QM oo War ka soo saartay burburka shirkii DF iyo Golaha Mustaqbalka

Xafiiska QM ee Somalia UNTMIS ayaa muujiyay niyad-jabka uu ka qabo in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya aysan weli heshiis ka gaarin wadahadalladii ay ilaa hadda yeesheen. Hoggaanka UNTMIS iyo saaxiibbadooda caalamiga ah ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillo sarsare oo ka kala socday labada dhinac, iyagoo ka wada hadlay horumarka iyo caqabadaha ka jira wadahadallada.

Inkasta oo heshiis la gaarin, UNTMIS waxay soo dhoweysay sida labada dhinac uga go’an tahay inay dadaalkooda ku sii wadaan xalka siyaasadeed. Waxay labada dhinac ku dhiirrigelisay inay wadahadalka ku sii wadaan niyad-sami, iyadoo sidoo kale diyaar u ah inay gacan ka geystaan dadaallada Soomaalida ee lagu raadinayo tanaasul iyo heshiis dhammeystiran.

WAR SAXAAFADEED

UNTMIS waxay aad uga xun tahay in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay ku guul darraysteen inay heshiis ka gaaraan wadahaddalladii ilaa hadda dhacay.

Hoggaanka UNTMIS, oo ay weheliyaan saaxiibbada kale, waxay maanta kulan la qaateen wakiillo sarsare oo ka kala socda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Waxaan soo dhoweynaynaa sida ay labada dhinacba uga go’an tahay inay sii wadaan dadaallada loogu raadinayo xalka.

Waxaan si adag ugu dhiirigelinaynaa in wadahadalka lagu sii wado niyad-sami. Annaga iyo saaxiibbada kaleba, waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno dadaallada Soomaalida ee lagu raadinayo tanaasul laga gaaro arrimaha wali taagan.

-DHAMMAAD-

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan