Qodobada Heshiiska uu Mareykanka u Gudbiyay Iiraan Oo la Shaaciyay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 12 ayaa baahiyay ku dhawaad 15 qodob oo ku jira heshiiska uu Mareykanka u gudbiyay Iiraan si loo joojiyo dagaalka.

Qodobbada Mareykanka uu diyaariyay ee la baahiyay , waxaa ka mid ah;

1-In la burburiyo awoodaha nukliyeer ee ay Iiraan hadda leedahay

2-In laga mamnuuco Iiraan inay horumariso ama ku hodmiso wax nukliyeer ah gudaha dhulkeeda.

3-In yuraaniyaha la hodmiyay lagu wareejiyo Hay’adda Tamarta Nukliyeerka (IAEA)

4-In la xiro lana burburiyo xarumaha nukliyeerka ee Natanz, Isfahan iyo Fordow

5-In IAEA loo oggolaado inay si buuxda u hesho dhammaan xogta

6-In Iiraan ka joojiso taageerrada ay siiso kooxaha ku sugan bariga dhexe.

7-In la joojiyo maalgelinta iyo hubeynta kooxaha ay taageerto Iiraan ee gobolka

8-In marinka Hormuz uu ahaado mid furan oo aan la xirin

9-In dib loo dhigo go’aanka ku saabsan gantaallada ballistic-ka (tan oo la macna ah wada-hadalada laguma soo darayo qodob la xiriira awoodda gantaallada Iiraan).

10-In gantaalladaas loo isticmaalo oo keliya difaac

11-In la qaado dhammaan cunaqabateynta horey loo saaray Iiraan

12-In la taageero barnaamij nukliyeer oo rayid ah oo ka socda xarunta Bushehr

13-In la joojiyo hanjabaadda ah in si toos ah mar kale cunaqabateyn loogu soo rogayo Iiraan

Qodobbadan waa soo jeedinta dhinaca Mareykanka wali kama aysan jawaabin Iiraan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.