Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqay in shanta sano ee soo socota guud ahaan dalka Itoobiya meelkasta laga heli doono koronto iyo internet.
Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa wuxuu sheegay in korontadu ay laf dhabar u tahay tiknoolajiyada sidaas darteedna loo baahan yahay in la balaadhiyo helitaanka korontada oo meel kasta la gaadhsiiyo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshuhu uu yahay in shanta sano ee soo socota internet-ka laga heli karo meel kasta oo dalka Itoobiya kamid ah.
