Ra’iisul wasaraha Jarmalka Oo Welwel ka Muujiyay Bur-bur ku Yimid Nidaamkii Caalamiga ah

Ra’iisul wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz ayaa ka jeediyay shirka ammaanka ee Munich , hadal culus oo ka tarjumaya welwelka ka jira mustaqbalka nidaamka caalamiga ah iyo amniga Yurub.

Merz wuxuu sheegay in nidaamkii dunida ee ku dhisnaa sharci iyo xeerar la wada ixtiraamo uu si tartiib ah u sii lumayo, isla markaana aanu hadda u shaqayn sidii hore. Wuxuu ku adkeystay in xorriyadda iyo qiyamka ay ku dhisan yihiin dalalka reer Galbeedku ay maanta wajahayaan khatar dhab ah.

Ra’iisul wasaare Merz ayaa sidoo kale xusay in Shiinaha uu ku dhow yahay inuu gaaro heerka awoodda milatari ee Mareykanka mustaqbalka dhow, arrintaas oo beddeli karta dheellitirka awoodda caalamiga ah.

Si taas looga hortago, Merz wuxuu shaaciyay in Jarmalku sameyn doono maalgelin ballaaran oo lagu xoojinayo ciidankiisa iyo awooddiisa difaac. Wuxuu intaas ku daray in tallaabooyinkaas ay u baahan doonaan allabaryo iyo go’aano adag, si loo ilaaliyo amniga iyo madax-bannaanida dalka.

Related posts

Israel oo ansixisay soo jeedin lagu diiwaangelinayo dhulalka Daanta Galbeed (West Bank) inay yihiin “hanti dowladeed”

In ka badan Kun Askri oo ICE ah Oo laga Saaray Minnesota.

Shiinaha Oo Maanta Xaqiijiyay inuu Iran ku Wareejiyay Raadaarka nooca YLC-8B.