Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa si rasmi ah ugu sheegtay Golaha Senate-ka dalkaas in Talyaanigu uusan qayb ka ahayn dagaalka Bariga Dhexe isla markaana aanu ku biiri doonin dagaal ka dhan ah Iran.
Meloni ayaa sheegtay in faragelinta militari ee Maraykanka iyo Israa’iil ay tahay arrin Talyaanigu uusan ka qayb qaadan, islamarkaana aanu qorsheynayn inuu ku lug yeesho. Waxay intaas ku dartay in dowladdeedu aysan doonayn in dalka loo jiido dagaal cusub oo ka dhaca gobolka.
Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa yimid iyadoo xiisadda u dhaxaysa Maraykanka, Israa’iil iyo Iran ay sii kordhayso, isla markaana qaar ka mid ah waddamada Yurub ay muujinayaan walaac ku saabsan ballaarinta colaadda.