Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta.
Ra’iisul Wasaaruhu ayaa Agaasimaha cusub kula dardaarmay inuu ku shaqeeyo hufnaan, daacadnimo iyo xil-gudasho dhab ah, si uu gacan uga geysto dardargelinta howlaha Wasaaradda, gaar ahaan arrimaha federaalka, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta adeegyada loo hayo bulshada.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ku doonayso tayeynta hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

