Kabtanka kooxda Chelsea, Reece James, ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis cusub oo aad u dheer, kaas oo ku hayn doona garoonka Stamford Bridge ilaa xagaaga 2032. Sida ay warisay warbaahinta The Athletic, heshiiskan ayaa dhabar-jab ku ah kooxihii dhowrka ahaa ee doonayay inay xiddigan ka kaxaystaan London.
James, oo qandaraaskiisii hore uu ku ekaa sanadka 2028, ayaa lagu daray afar sano oo dheeri ah, taas oo muujinaysa kalsoonida weyn ee ay maamulka kooxdu ku qabaan xiddigan reer England. Reece James ayaa ka mid ah ciyaartoyda naadirka ah ee ku soo dhex koray akadeemiyada Chelsea, isagoo kooxda joogay tan iyo markii uu ahaa 6 sano jir.
Saxiixan cusub ma ahan oo kaliya mid kor u qaadaya mustaqbalkiisa ciyaareed, balse waa fariin cad oo ku socota taageerayaasha Blues, in kabtankoodu uu yahay lafdhabarta mashruuca cusub ee kooxda. James ayaa hadda loo arkaa mid ka mid ah daafacyada midig ee ugu wanaagsan adduunka, waxaana la filayaa inuu waayihiisa ciyaareed oo dhan ku dhamaysto Chelsea haddii uu sii wado daacadnimadan.