Rihanna oo ka badbaaday isku day dil oo lagu weerary gurigeeda

Fannaanda caanka ah ee Rihanna ayaa la xaqiijiyay in gurigeeda ku yaal Beverly Hills, Los Angeles lagu weearary iyadoo ay guriga joogtay. Dhacdadan ayaa ka dhacday Axaddii galabtii, waxaana la sheegay in haweeney 30 jir ah ay rasaas ku furtay dhinaca guriga Rihanna iyadoo ka soo dhacdhacday gaari yaalla waddo u dhowayd guriga.

Booliiska ayaa degdeg u jawaabay, haweeneydana waa la qabtay. Waxaa la helay qolfida ugu yaraan 10 rasaas ah, mid ka mid ahna ayaa ku dhacday saqafka derbiga bannaanka ee guriga. Booliiska waxay sheegeen in hubka la isticmaalay la qabtay, waxaana la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta haweeneyda ay u weerartay guriga.

Wararka ayaa sheegaya in waqtiga toogashadu dhacday guriga ay joogtay Rihanna, inkastoo aan la xaqiijin haddii saaxiibkeed A$AP Rocky ama carruurtooda ay guriga joogeen waqtigaas. Booliiska ayaa weli baaraya dhacdadan si loo ogaado sababta iyo ujeedada ka dambeysa toogashada. Ilaa hadda lama shaacin wax faahfaahin dheeraad ah ama eedeymo rasmi ah oo ku saabsan haweeneyda.

Related posts

Qatar oo soo riday labbo diyaaradood oo Iiraan leedahay oo 2 daqiiqo u jirsday,,

Milateriga iyo siyaasiyiinta Iiraan oo taageeray hogamiyaha cusub, mucaaradka oo boqortooyo u arka

Trump oo ka carooday hoggaamiyaha cusub ee Iiraan