Roobab xooggan iyo daad ayaa ku dilay Nairobi ugu yaraan 23 qof

Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhimatay Nairobi kaddib roobab xoogan oo xalay ka da’ay magaalada.

Boolisku waxay sheegeen in 30 qof la soo badbaadiyay balse ay jiraan dad kale oo badan kuwaas oo qaraqmay kaddib markii biyo ay qaadeen, halka qaar kalena ay dishay koronto.

Militeriga Kenya ayaa la soo bixiyay si ay u caawiyaan dadka ku xanibmay gudaha gawarida.

Diyaarado badan oo ku socday Nairobi ayaa la joojiyay qaarkoodna waxaa loo leexiyay Mombasa.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa kula taliyay dadweynaha in ay ka fogaadaan wadooyinka daadka uu ku socda iyo meelaha biyuhu maraan. Shaqaalaha gurmadka degdegga ayaa badbaadiyay darawallo ku xanibmay gawaaridooda.

Waaxda saadaasha hawada Kenya ayaa hore uga digtay roobab xoogan kuwaas oo sababi kara daad.

Related posts

Madaxweynaha Colombia Oo Ugu Baaqay Trump inuu ka Fogaado R/Wasaraha Israa’iil Netanyahu.

Dawlada Jabuuti Oo Taageero u Muujisey Imaaraadka Carabta, ka dib Wada-hadal dhexmaray

Iiraan Oo Caawa Gubtay Dhismaha Marina Tower ee Dubai oo ka kooban 90 Dabaq oo Gubanaya