Rooma oo Adkeynaysa Tallaabooyinka Ka Dhanka ah Tahriibayaasha Badda Mediterranean-ka

Dowladda Talyaaniga ayaa shaacisay qorshe cusub oo ay ku dooneyso inay ku xakameyso qulqulka tahriibayaasha ka imaanaya qaaradda Afrika, kuwaas oo sanadihii u dambeeyay si isa soo taraysa ugu soo badanayay xeebaha dalkaas.

Xukuumadda Rooma ayaa sheegtay in kororka dhimashada ka dhacaysa badda Mediterranean-ka uu sare u kacay, taasoo muujinaysa baahida loo qabo xal waara oo lagu maareeyo socdaalka khatarta ah ee ka imanaya Waqooyiga Afrika. Dowladda ayaa xustay inay diyaarisay qorshe ballaaran oo dhaqaale ku baxayo, isla markaana ay iska kaashanayaan dalal ku yaalla Geeska Afrika iyo Waqooyiga Afrika.

Dalalka ay wada-shaqeyntu la yeelaneyso waxaa ka mid ah Liibiya, Masar, Tuniisiya, Morooko iyo Aljeeriya. Qorshahan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo feejignaanta xuduudaha iyo dhaqdhaqaaqa dadka tahriibka ah, si loo yareeyo khatarta ay naftooda gelinayaan.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa horey safarro kala duwan ugu kala bixiyay dalalkan, iyagoo wada-hadallo la yeeshay madaxda sare si loo dardargeliyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xakameynayo tahriibka sharci darrada ah.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tan iyo Oktoobar 2025 ay sare u kaceen dadka naftooda ku waaya ama halis ku gala badda Mediterranean-ka. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in qaar ka mid ah muhaajiriinta la badbaadiyay, halka kuwo kale aan weli la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.

Sidoo kale, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa xaqiijisay in meydadka sideed muhaajiriin ah laga helay badda Mediterranean-ka. Dadkan ayaa la sheegay inay ka kala safreen Liibiya iyo Giriigga, iyagoo isku dayayay inay gaaraan dalal ku yaalla Yurub.

Qorshaha cusub ee Talyaaniga ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in la helo xal mideysan oo wax looga qabanayo tahriibka, si loo badbaadiyo nolosha kumannaan qof oo sannad kasta halis u gala safarro badeed oo khatar badan

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan