Rutte wuxuu sheegay in aanu jirin qorshe ay NATO ugu biirayso dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, ayaa ammaanay tallaabada militari ee ay qaadeen Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, balse wuxuu meesha ka saaray in isbahaysigu ku biirayo colaadda ka taagan gobolka.

Isagoo la hadlayay telefishinka Jarmalka ee ARD magaalada Brussels, Rutte wuxuu sheegay in ay “aad muhiim u tahay” waxa uu Maraykanku sameynayo “isaga oo la shaqeynaya Israa’iil” si loo wiiqo loona burburiyo awoodda Iiraan ee horumarinta hubka nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in NATO ahaan aanay ku lug yeelan doonin arrintan. “Gabi ahaanba ma jiraan wax qorshe ah oo NATO loogu jiidayo ama ay qayb uga noqoneyso,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in waddamo xubno ka ah isbahaysiga ay si gaar ah u taageeri karaan dadaallada Maraykanka.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan