Ruushka iyo Burkina Faso oo kala Saxiixday Heshiis Iskaashi

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Burkina Faso ayaa sheegtay in Burkina Faso iyo Ruushku ay kala saxiixdeen heshiis cusub oo xoojinaya iskaashigooda.

Ka dib booqasho ay wafdi ka socda Burkina Faso ku tageen Moscow, wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal waxay saxiixeen heshiis “taariikhi ah”.

Heshiisku waa iskaashi istaraatiiji ah oo u dhexeeya labada dal.

Burkina Faso waxay sheegtay in qaab-dhismeedka heshiiska cusub uu qeexi doono meelaha muhiimka ah ee iskaashiga isla markaana uu muujin doono isku soo dhawaanshaha diblomaasiyadeed ee la bilaabay 2022-kii kaas oo bilaabeen Madaxweyne Ibrahim Traoré iyo Vladimir Putin.

Ruushku ayaa siin doonaa Burkina Faso dhammaan taageerada lagama maarmaanka u ah dagaalka ay kula jirto argagixisada.

Related posts

M/Putin Oo Sheegay inuu Diyaar u yahay In Shidaal Uu ka Iibiyo dalalka Yurub iyo Maraykanka

Itoobiya Iyo Israel Oo Sare U Qaadaya Xiriirkooda Xili Dagaalka Iran Meel Adag Marayo.

Sarkaal ka Tirsanaa Sirdoonka Ciidmada Badda ee Mareykanka Oo Xog Xaasaasi ah Bixiyay.