Sacudi Carabiya ayaa sheegtay inay ka hortagtay gantaallo Iiraani ah oo lagu beegsaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Riyadh iyo Saldhigga Cirka ee Prince Sultan oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah.
“Ilaalada cirka ayaa si guul leh u qabtay gantaallo Iiraani ah meel u dhow garoonka Riyadh iyo Saldhigga Prince Sultan galabnimadii Axadda,” ayuu ilo aan la magacaabin oo dalbaday in aan la shaacin magaciisa sababo la xiriira arrimo xasaasi ah u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Ka hortaggaasi ma uusan carqaladeyn duulimaadyada mana uusan sababin wax khasaare naf ama hanti ah. Qof goob-jooge ah oo ku sugnaa meel u dhow garoonka ayaa sheegay inuu “arkay oo maqlay nidaamka difaaca cirka oo gantaalka ku qabtay hawada.”
Garoomada diyaaradaha ee Dubai, Abu Dhabi, Kuwait, iyo Manama ayaa sidoo kale lagu beegsaday weerarro Iiraani ah, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in hal qof uu ku dhintay caasimadda Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi “dhacdada” ka dhacday xaruntaas.
Sacudi Carabiya waxaa ku yaalla saldhigyo iyo ciidamo Mareykan ah, inkastoo xarumaha waaweyn ay ku yaallaan Baxrayn iyo Qadar.