Sacuudiga oo Hanjabay Shegayna in Dulqaadku ka Dhammaanayo

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sacuudi Carabiya ayaa bixisay tilmaanteedii ugu adkayd ee abid, taas oo ku aaddan in haddii Iiraan ay sii waddo weerarrada ka dhanka ah kaabayaasheeda dhaqaale, laga yaabo inay ku qasbanaato inay ka aargoosato.

“Dulqaadkayagu ma ahan mid aan dhammaad lahayn,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Faisal bin Farhan, isagoo uga digay Iiraan in dalkiisa iyo xulafadiisa Carabta ee Gacanka ay haystaan wax uu ugu yeeray “awoodo lixaad leh oo ay adeegsan karaan, haddii ay doortaan inay sidaas sameeyaan.”

Waddamada Gacanka ayaa dhab ahaantii haysta ciidamo cirka oo aad u xooggan, kuwaas oo ay kharash badan uga soo iibsadeen dalalka Mareykanka, Britain, iyo Faransiiska

Laakiin, dagaalka ay iskaashanayaan Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan wuxuu xambaarsan yahay khataro aad u waaweyn.

Iiraan waxay hubaal ahaan kordhin doontaa duqaymaha ay ku hayso dalalka Gacanka, iyadoo laga yaabo inay ballaariso bartilmaameedyadeeda ilaa heer ay ku darto goobaha muhiimka ah sida dhismayaasha dowladda.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.