Sacuudiga oo soo riday dayaarad ku wajahnayd gobolka Al-Kharj

HNN: Dowladda Saudi Arabia ayaa sheegtay in ciidamadeeda difaaca cirka ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn (drone) oo ku wajahneyd gobolka Al-Kharj, taas oo qayb ka ah weerarro isa soo taraya oo ka dhacaya gobolka.

Wasaaradda difaaca ayaa xaqiijisay in drone-ka la burburiyay ka hor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay. Wararka qaar ayaa sidoo kale tilmaamaya in marar kala duwan dhowr drones iyo gantaallo lagu qabtay isla deegaankaas iyo agagaarkiisa .

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan weerarrada cirka ah ee lagu beegsanayo gudaha Sacuudi Carabiya, gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida xarumaha milatari iyo goobaha shidaalka. Gobolka Al-Kharj, oo ku dhow caasimadda Riyadh, ayaa noqday meel si joogto ah loo bartilmaameedsado .

Sidoo kale, warbixino dhowaan la soo saaray ayaa muujinaya in boqolaal drones ah la isku dayay in lagu weeraro dalka maalmo gudahood, balse intooda badan la qabtay ka hor inta aysan waxyeello geysan .

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in weerarradan ay qayb ka yihiin xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israel, kaas oo hadda saameyn ku yeeshay dalal kale oo gobolka ku yaalla.

Heemaal News Network

Related posts

Madaxweynaha Iran Oo ka Hadlay Cawaaqib Xumada ka Dhalan karta Weerarada Goobta Gaaska

Khasaaraha ka Dhashay Weerarkii Iran Caawa ku Qaaday Sacuudiga Oo la Shaaciyay.

“Laftagareen waa Beentiis Hawiye Duulaan kuma ahan Beydhabo” Xildhibaanada K/Galbeed..