Sacuudi Carabiya, Pakistan,Turkey & Masar ayaa iskaashi-hoose wada galay, tan & intii uu socday dagaalka Bariga-dhexe, iyada oo Wasiirrada Arrimaha-dibedda ay dhowr jeer ku kulmeen Riyaad — AnadoluAgency.
Turkiga ayaa dhinaca kale sheegay in Wadamada Carabtu ay si daran uga aargoosan karaan hadii weerarada !ran ay sii socdaan.
Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga ayaa sheegay in dalalka Khaliijku ay bixiyeen digniintii ugu dambeysay isla markaana ay ka digeen iney ku qasbanaan karaan iney qaadaan talaabo milatari oo kahortag ah, hadii weerarada !ran ay sii socdaan.
Hakan Fidan wuxuu sheegay in tani ay kor uqaadayso cabsida laga qabo in gobolku uu mijaha la galo dagaal balaadhan.