Safaarada Maraykanku ku leeyahay oo lagu kala yaacay, Drone ku habsatay meel u dhow

Xiisadaha Bariga Dhexe ayaa si weyn isu beddelay iyadoo colaadda u dhexeysa United States, Israel iyo Iran ay ka gudubtay xuduudaha Iiraan kuna fiday dalalka Khaliijka. Isniintii, qiiqa ka kacay meel u dhow xarunta safaaradda ee caasimadda Kuweyt ayaa cabsi geliyay diblomaasiyiinta iyo dadka deggan. Safaaradda Mareykanka waxay soo saartay digniin amni oo sheegaysa in “weerarada ka imanaysa drone iyo gantaal ay weli socoto,” waxayna ku boorrisay qof walba inuu ka fogaado aagga safaaradda si loo ilaaliyo ammaanka.

Inkasta oo faahfaahintu weli is beddelayso, isla markaana dowladda Mareykanka aysan xaqiijin in si toos ah loo beegsaday dhismayaasha safaaradda, digniintani waxay muujinaysaa halista daran ee jirta. Nidaamyada difaaca hawada ee gobolka ayaa firfircoon, iyagoo soo ridaya diyaarado iyo gantaallo  galay hawada Kuweyt, balse kuma filna difaac buuxa culaysyadda weerarada, weeraradan ayaa qayb ka ah aargoosiga ballaaran ee Iiraan kaga jawaabtay weerarradii lagu qaaday dhulkeeda.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan