Safiirka Iiraan ee Boqortootada Sucuudi Careebiya ayaa u sheegey Reuters: In Iiraan aysan marnaba beegsan kaabayaasha dhaqaalaha Sucuudiga & dowladaha kale ee Khaliikaj:
“Iiraan ma weerarin wershado shidaal marnaba.” Ayuu yidhi Danjire Cali Radaa oo dhowr mar xusey in Sucuudi & Cummaan aysan iyagu beegsan.
Dagaalka Bariga-dhexe ayaa ka sokow Iiraan keeney in xilligan ay dalalka Carabta is weydiinayaan xidhiidhkooda Reer-galbeedka ka dib saameyn siyaasadeed & dhaqaale oo soo gaadhay.