Safiirka Somaliya ee Boqortooyada Belgium iyo Midowga Yurub Oo Warqadihii Aqoonsiga Laga Gudoomay.

Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Belgium iyo Midowga Yurub, Khadija Ossoble Ali, ayaa waraaqaha aqoonsiga safiirnimo si rasmi ah ugu gudbisay Madaxweynaha Romania, Nicușor Dan, munaasabad rasmi ah oo ka dhacday dalkaas.

Kulankan ayaa astaan u ah xoojinta xiriirka labada dal oo soo jiray tan iyo 1965. Labada dhinac waxay ka wada hadleen horumarinta iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo wada shaqeynta caalamiga ah.

Romania waa dal muhiim ah oo ka tirsan Midowga Yurub iyo NATO, lehna dhaqaale kobcaya iyo horumar muuqda oo dhinaca tiknoolajiyadda ah, gaar ahaan IT-ga, taasoo ka dhigaysa fursad muhiim u ah iskaashi iyo maalgashi.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan