HNN: Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka India, Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odawaa, ayaa xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalkaas, kuwaas oo loo haysto eedeymo la xiriira burcad-badeednimo.
Danjiraha oo safar shaqo ku joogay magaalada Mumbai ee gobolka Maharashtra, ayaa la kulmay 44 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ay ciidamada ilaalada badda ee Hindiya ka qabteen badweynta Hindiya sanadihii la soo dhaafay, xilli ay ku eedeeyeen falal burcad-badeednimo.
Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa muddo dheer ahaa maxkamad sugayaal, iyagoo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla India. Kadib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda Soomaaliya, waxaa ugu dambeyn suurtagashay in la qabto fadhigii koowaad ee dhageysiga maxkamaddooda.
Fadhiga koowaad ee maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee India Danjire Odawaa, kaas oo u kuur galay xaaladda muwaadiniinta iyo sida ay u socoto dacwaddooda.
Safiirka ayaa la kulmay dhalinyarada xiran, isagoo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado dadaallo diblomaasiyadeed iyo sharci oo lagu dardargelinayo dhageysiga dacwaddooda, isla markaana lagu xaqiijinayo in ay helaan xuquuqdooda sharciga ah.
Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odawaa ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in fadhiyada xiga ee maxkamadda la dedejin doono, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii muwaadiniintaas Soomaaliyeed ay ugu dambeyn dib u heli lahaayeen xorriyaddooda haddii ay cadaato in ay xaq u leeyihiin.
Heemaal News Network