Said El Mala oo soo galay diirada ugaashiga cayaartooyda ee Newcastle

Kooxda Newcastle United ayaa qorshaynaysa inay xoojiso safkeeda weerarka xagaaga soo socda, iyadoo isha ku haysa inay lasoo saxiixato weeraryahan dhexe iyo xiddig ka ciyaara garabka. Sida ay werisay jariidada Daily Mail, mid ka mid ah ciyaartoyda ay sida dhow ula socdaan waa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda FC Köln, Said El Mala.

El Mala oo ah xiddig soo baxaya ayaa soo jiitay indhaha indha-indheeyayaasha Newcastle, balse kooxdu waxay tartan adag kala kulmi doontaa Brighton, oo iyaduna si weyn u xiisaynaysa saxiixa wiilkan dhalinyarada ah. Marka laga soo tago garabka, Newcastle waxay mudnaanta koowaad siinaysaa keenista weeraryahan gool-dhaliye ah oo ka garab ciyaara ama loolan la gala Alexander Isak.

Dardargelinta saxiixyadan ayaa qayb ka ah qorshaha tababare Eddie Howe uu doonayo inuu kooxda dib ugu soo celiyo tartamada Yurub, isagoo raadinaya ciyaartoy leh xawaare iyo tayo farsamo oo sare.

Cayaartoyd ay diirada Newcastle saran tahay waxaa ka mid ah, Luis Suárez, Liam Delap, Pio Esposito, Dominic Solanke, Jorgen Strand Larsen.

Related posts

Newcastle oo dardargelisay saxiixa xiddiga Monaco ee Lamine Camara

Kieran Trippier: Ma sii joogi doonaa Newcastle Mise Waa bixi doonaa?

Julián Álvarez: Ma ku soo laaban doonaa Premier League xagaaga dambe?