Sarkaal hore Uga Tirsanaa CIA Oo ka Hadlay Halista Joogitaanka Sirdoonka Israa’iil Ee Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read

Sarkaal hore oo ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, John Kiriakou ayaa soo bandhigay joogitaanka sirdoonka Israa’iil ee Mossad ee gudaha Mareykanka , isagoo sheegay inta uu shaqada ku jiray inay FBI-da oggaatay 187 wakiil oo u shaqeynaysa Mossad inay ku firirsanyihiin gobollada Mareykanka , kuwaasoo aan la wargelin dawladda Mareykanka, balse ka waday gudaha Mareykanka howlo basaasnimo oo ay ku dabagalayaan wax soosaarka warshadaha difaaca Mareykanka.
Wuxuu yiri ;

“Anigu gacanta ayaan taagay oo waxaan weydiiyay, sabab maxay Mossad howlgal basaas oo intaa la eg uga sameynayaan gudaha Mareykanka, iyadoo xataa Mareykanka uu xogtiisa difaaca 99% la wadaago Israa’iil.” Wuxuu sheegay in loogu jawaabay: “Sababtaas awgeed ayey u joogaan ,si ay u helaan boqolkiiba 1% ee ka maqan.”

Ugu dambeyn, Kiriakou wuxuu ku dooday in Israa’iil aysan ahayn saaxiib dhab ah oo Mareykanka ah.

Waxaa laga yaabaa si fudud inay kugu soo dhacdo tani waa sheeko! Laakin xaqiiqada ciddi ma ogga waxa dhacaya mustaqbalka , umadaha doonaya inay si dhab ah u noolaadan waxay u dagaallamaan mustaqbalka inuu noqdo mid iyaga la jira oo dadaalkeeda iyo howsheeda uma jiifsadaan. Mareykanka iyo Israa’iil isku dhex jirkooda ma aha doorasho iska dhacday , mana jirto wax gaar ah oo Mareykanka uu ku qabo Israa’iil, laakin wax kasta oo dhacaya waa shaqo ay Israa’iiliyiinta horey uga dhex qabteen gudaha Mareykanka , illaa ay xataa doonayaan 1% sirta ka maqan ee wax soosaarka difaaca Mareykanka.

Ummad kasta waxay duniddan ka goosanaysaa inta ay qabsato, kuwa dhaqaaqa ee aan sal dhul dhigin illaa saacado ku dhacayso oo amarka sare oo rabbi la wajahayo waxay lahaanayaan awood jiritaan, halka kuwa jiifa ee mustaqbalkooda filashada iyo fadhi ku dirir ku qaata uu buunku ku yeeri doono iyagoo dulinimo iyo karaamo beel ku nool!