Sarkaal ka Tirsanaa Sirdoonka Ciidmada Badda ee Mareykanka Oo Xog Xaasaasi ah Bixiyay.

Waraysi xaasaasi ah oo uu bixiyay Scot Ritter, oo horrey uga tirsanaan jirey Sirdoonka Ciidmada Badda ee Mareykanka ayaa wuxuu ku sheegay in habeen hore ay Iiraan beegsatey guriga Ra’iisal Wasaaraha ISR, halkaasna ay ku dishay Ra’iisal Wasaaraha ISR walaalkii oo guriga ku sugnaa xiliga ay ku dhaceen gantaalaha Iiraan.

Scot oo wareysigan siiyay wariyaha Rick Sanchez ayaa wuxuu dhanka kale sheegay in Iiraan ay siddoo kale duqeysay gurigii Wasiirka Ammniga ISR, kaasoo uu sheegay inuu si darran ugu dhaawacmay weerarka una badan tahay inuusan ka kici doonin.

Scot Ritter, wuxuu sheegay in !ran ay u suurtagashay in galinka hore xog Sirdoon ka hellaan gudaha ISR, keddibna iyagoo xogtaa ka duullaya ay galinka dambe si sax ah u bartilmaameedsadaan goobaha ay rabaan.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in nidaamyada difaaca ee ISR iyo Mareykanka aysan lahayn wadda shaqayn, taasina ay keentay iney ku fashilmaan in ay ka hortagaan gantaallaha !iraan.

Scot Ritter, wuxuu intaasi raaciyay in Iiraan oo ogaatay xogtaasi ay la timid xeelad ay si gaara ugu beegsaneyso raadaarada iyo Satellite-yada, si ay hawlgab uga dhigto nidaamyada difaaca ee ISR iyo Mareykanka, kuwaasoo intaas kadib noqday kuwo aan lahayn indho iyo dhago.

Related posts

M/Putin Oo Sheegay inuu Diyaar u yahay In Shidaal Uu ka Iibiyo dalalka Yurub iyo Maraykanka

Itoobiya Iyo Israel Oo Sare U Qaadaya Xiriirkooda Xili Dagaalka Iran Meel Adag Marayo.

Trump Oo ka Hadlay Xiliga Uu Dhamaan-doono Dagaalka Iran, Dil-na Ugu Hanjabay Mojtaba Khamenei