Sawirro la xaqiijiyay ayaa muujinaya burburka diyaarad Mareykan ah oo ku sugan Israa’iil Kadib markii ciidamada Cirka ee Maraykanka ee KC-135 oo shidaal ku shubaya diyaarad ay waxyeelo ka soo gaadhay qaybta danbe, si gaar ah baalasheeda oo taagan garoonka Ben Gurion ee Tel Aviv, Israel.
Ilaa hadda ma cadda waxa sababay khasaaraha iyo in diyaaraddan khaaska ahi ay ku lug lahayd dhacdo khamiistii la soo dhaafay oo US KC-135 ee ku burburtay galbeedka Ciraaq, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan lixdii shaqaalaha ahaa ee saarnaa diyaaraddaas.
Sawirka ugu horreeya ayaa muujinaya diyaaradda oo garoonka taagan oo ag taagan yahay baabuur cad, kaas oo taariko Israa’iil ah leh.
Sawirro dheeri ah oo ay daabacday warbaahinta guud ee Israa’iil ee Kan ayaa muujinaya dhinaca kale ee diyaaradda halkaas oo waxyeellada qaybteeda danbe gaadhay si cad looga arki karo. Baadhitaanka sawirrada ayaa muujinaya in laga soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion oo aan la soo gelin warbaahinta maanta ka hor.
Xogta laga helayo Flightradar24 ayaa muujineysa diyaaraddan oo dulmartay dalka Urdun ka hor inta aysan u dhaqaaqin dhanka Israa’iil.
Waxaa la arkayay iyadoo dhowr jeer ku wareegaysa aaggaaska hor inta aysan fadhiisan garoonkaaas.