Senator Elizabeth Warren, ayaa weydiisay janaraal ciidanka Mareykanka ah: “Ma ballanqaadaysaa inaad u sheegayso Guddiga Ciidamada ee Aqalka Wakiillada Mareykanka haddii lagugu siiyo amar sharci darro ah oo ka yimaada Trump?
Janaraal Francis Donovan (taliyaha taliska koonfureed) ayaa ku jawaabay: “Waxaan ku dadaali doonaa inaan xogta u gudbiyo hoggaanka iga sarreeya.”
Warren ayaa mar kale tiri:
“Markaa ma hubinaysid in xogtaasi na soo gaarto? Ma ogtahay inaan leenahay waajibaad kormeer?”
Janaraalka ayaa ku celiyay:
“Waxaan ku dadaali doonaa inaan xogta u gudbiyo madaxdayda sare.”
Warren ayaa tiri:
“Tani waa jawaab xiran. Waxa hadda socda waa arrin khatar ah, waxaanan u baahanahay hoggaamiyeyaal militari oo aan dhinacna u eexan, sharcigana raaca, si cadna u hadla. Kongareesku waa inuu awood u yeeshaa inuu xakameeyo taliyaha guud Trump, oo aan ixtiraamin sharciga, iyo wasiirkiisa dagaalka.”