Saturday, February 14, 2026

Shan dal oo Yurub ah Oo Ruushka ku Eedeeyay inuu Sun ku Dilay Hoggaamiyihii Mucaaradka ee Alexei Navalny

by Heemaaln
1 minutes read

Shan dal oo Yurub ah, oo ay ku jiraan Britain, France iyo Germany, ayaa Sabtidii ku eedeeyay Ruushka in uu ku sumeeyay hoggaamiyihii mucaaradka ee Alexei Navalny xabsi ku yaalla dalkaas sanadkii 2024, iyagoo sheegay in loo adeegsaday sun naadir ah

Eedeyntan ayaa lagu sheegay shirkii Amniga ee Munich,halkaas oo dalalkaasi ay ku sheegeen in Navalny lagu dilay sun la yiraahdo epibatidine.

Sunta epibatidine ayaa ah maaddo laga helo maqaarka Raha ku nool Koonfurta Ameerika, gaar ahaan kuwa loo yaqaan dart frogs. Dalalka Yurub ayaa sheegay in suntaasi laga helay tijaabooyin la qaaday, ayna aad ugu dhowdahay inay sababtay geeridiisa.

Ruushka weli si rasmi ah ugama uusan jawaabin eedeymahan cusub.