Shiinaha Oo ku dhawaaqay inuu Joojinayo Canshuurtii Badeecadaha Uga yimaada Dalalka Afrika.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa maanta ku dhawaaqay in Shiinuhu joojinayo canshuurtii laga qaadi jiray badeecadaha uga yimaada dalalka Afrika.

Taasi waxay ka dhigan tahay in dalalka Afrika ay si sahlan alaabtooda uga iibin karaan gudaha Shiinaha.Hal dal oo keliya ayaa laga reebay, waana Eswatini, sababtoo ah wuxuu xiriir la leeyahay Taiwan.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa hadal uu maanta ka jeediyay shirka ammaanka ee ka socda magaalada Munich, wuxuu si cad digniin ugu diray Japan, isagoo sheegay iskuday kasta oo Japan ay ku doonayso inay dib usoo celiso awoodeeda milatari inay ka dhalan doonto Shiinaha inuu qaado tallaabo ka khasaare badan xaalad kasta oo horey Japan ay u wajahday.

Related posts

Madaxweynaha Colombia Oo Ugu Baaqay Trump inuu ka Fogaado R/Wasaraha Israa’iil Netanyahu.

Dawlada Jabuuti Oo Taageero u Muujisey Imaaraadka Carabta, ka dib Wada-hadal dhexmaray

Iiraan Oo Caawa Gubtay Dhismaha Marina Tower ee Dubai oo ka kooban 90 Dabaq oo Gubanaya