Shiinaha Oo Maanta Xaqiijiyay inuu Iran ku Wareejiyay Raadaarka nooca YLC-8B.

Warbaahinta Shiinaha ee Chinaplus, ayaa maanta xaqiijisay inuu Shiinahu ku wareejiyay Iiraan, raadaarka nooca YLC-8B, oo lagu naynaaso ugaarsadaha diyaaradaha is qariya.

Raadaarkan waxaa soo saarta shirkadda Shiinaha ee CETC, waxaana loogu talagalay inuu ka hortago diyaaradaha dagaalka ee is qariya sida F-35 iyo F-22.

Warbixintu waxay sheegtay in YLC-8B uu awood u leeyahay inuu ogaado diyaaradaha noocaas ah masaafo gaareysa ilaa 350 kiiloomitir, taasoo ka dhigaysa inay Iiraan heshay awood sare oo ay kula socon karto diyaaradaha casriga ah ee soo galaya hawadeeda, xilli ay jirto xiisad sare martay oo u dhexaysa Iiraan iyo Mareykanka.

Related posts

Madaxweynaha Colombia Oo Ugu Baaqay Trump inuu ka Fogaado R/Wasaraha Israa’iil Netanyahu.

Dawlada Jabuuti Oo Taageero u Muujisey Imaaraadka Carabta, ka dib Wada-hadal dhexmaray

Iiraan Oo Caawa Gubtay Dhismaha Marina Tower ee Dubai oo ka kooban 90 Dabaq oo Gubanaya