Shirkadda Diyaaradaha ISRAEL ee Arkia Oo ku Dhawaaqday in Hawada Somaliya Dib Loogu Fasaxay

Shirkadda diyaaradaha Israel ee Arkia ayaa ku dhawaaqday in hawada Soomaaliya dib loogu fasaxay, isla markaana ay markale ku duuli karto.

Shirkadda ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dib ugu ogolaatay in ay hawadeeda isticmaalaan, kadib dadaalo xoogan oo ay sameeyeen dhinacyo oo ay kamid yihiin ISR iyo Soomaaliya.

Shirkadu waxay dhanka kale sheegtay iney khasaare wayn la kulantay kadib mudo laba todobad ah oo dowlada Soomaaliya ay ka mamnuucday in diyaraadahoodu maraan hawada Soomaaliya, waxay sheegeen in duulimaadyadoodii Thailand ay ku qasbanaadeen iney maraan jid dheer oo wareeg ah, taasina ay keentay in Shidaal badan ay diyaaraduhu isticmaalaan, safarkiina wakhti dheeraada qaato, kharashkiina kordho.

Hada waxay sheegeen iney dib u isticmaalayaan jidkii gaabnaa ee ka gudbayay hawada Soomaaliya

Related posts

M/Putin Oo Sheegay inuu Diyaar u yahay In Shidaal Uu ka Iibiyo dalalka Yurub iyo Maraykanka

Itoobiya Iyo Israel Oo Sare U Qaadaya Xiriirkooda Xili Dagaalka Iran Meel Adag Marayo.

Sarkaal ka Tirsanaa Sirdoonka Ciidmada Badda ee Mareykanka Oo Xog Xaasaasi ah Bixiyay.