Shirkii Villa Soomaaliya Oo Maalintii Labaad Baaqday, Ismari-waa Ka Taagan Doorashooyinka

by Heemaal
2 minutes read

Muqdisho – Waxaa mar kale maalintii labaad oo xiriir ah baaqday shirkii loo ballansanaa inuu ka qabsoomo Villa Soomaaliya, kaas oo u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka.

Shirkan oo Khamiistii ka furmay xarunta madaxtooyada ayaa lagu waday in Sabtida dib loo sii amba qaado, balse mar kale ayuu dib u dhacay. Wararka laga helayo ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegaya in sababta baaqashada ay tahay dood adag oo ka taagan qodobo la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, taas oo keentay in wali la is mari waayo.

Ismari-waa Ka Taagan Qaabka Doorashada

Kooxda Madaxtooyada ayaa ku adkeysaneysa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo marka hore ka dhacda dowladaha hoose, si sal adag loogu dhiso nidaamka dimuqraadiyadda.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa qaba in marka hore la qabto doorashooyin dadban oo ka dhaca dowlad-goboleedyada aan weli doorasho gelin, kadibna la guda galo doorashada Dowladda Dhexe ka hor 15-ka May.

Arrintan ayaa abuurtay kala aragti duwanaansho xooggan, iyadoo labada dhinac ay ku fashilmeen isku dayo la doonayay in ka hor kulanka miiska la isku fahmo qodobada muranka dhaliyay.

Kulamo Gaar Gaar Ah Oo Socda

Gelinka hore ee Sabtida, Golaha Mustaqbalka ayaa yeeshay shir-doceed ay kaga arrinsanayaan qorshahooda doorashooyinka, gaar ahaan xaaladda dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, oo ay horey uga dhammaatay muddo xileedka madaxdooda balse ay weli xilka sii hayaan.

Sidoo kale, waxaa weli taagan dood ku saabsan wax ka beddelka dastuurka oo ay tabasho ka muujiyeen maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo walaac ka qaba habka ay Madaxtooyadu u wado dib-u-eegista dastuurka.

Wada-xaajoodyo Gaar Ah

Wararka ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka ay isku raaceen in kulanka xiga ay si gaar ah ugu diraan Madaxweyne Said Abdullahi Deni, Madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire, Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame iyo Xildhibaan Abdullahi Arab, si ay wada-hadal toos ah ula yeeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in la doonayo in wada-hadallada laga dhigo kuwo heer sare ah oo si toos ah u dhex mara hoggaamiyeyaasha, halkii ay ka ahaan lahaayeen kulamo ballaaran oo ay ka qeybgalaan xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Falanqeyn: Xilli Xasaasi Ah

Soomaaliya waxay haatan ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay weli taagan yihiin arrimo la xiriira doorashooyinka iyo dastuurka. Isla markaana, dalka waxaa ka jira abaaro baahsan iyo xaalad bani’aadannimo oo sii xumaaneysa, gaar ahaan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa qaba in dib u dhaca shirarkan uu sii kordhin karo hubanti la’aanta siyaasadeed, taas oo saameyn ku yeelan karta kalsoonida shacabka iyo dadaallada dowlad-dhiska. Si kastaba, waxaa weli jirta rajo ah in wada-xaajoodyada socda ay horseedi karaan is-afgarad ka hor inta aan muranku sii fogaan.

Indhaha shacabka iyo beesha caalamka ayaa hadda ku wajahan natiijada ka soo baxda kulamada la filayo in maalmaha soo socda ka qabsoomaan Villa Soomaaliya, kuwaas oo go’aamin kara jihada siyaasadeed ee dalka.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.