Somaliland Oo Amartay in Taarikada Gaadiidka Lagu Qoro Magaca Shakhsiga Iska leh.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

​Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland ayaa soo saartay amar cusub oo dhigaya in taarikada gaadiidka lagu qoro magaca shakhsiga iska leh, sida laga dheehan karo gaadiidka hadda ku socda waddooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, weli si rasmi ah looma shaacin sababta ka dambeysa isbeddelkan, sidoo kalena lama caddeyn halka lagu baahiyay go’aankan, iyadoo hore loogu aqoon jiray taarikooyin lambaro ah oo keliya.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo iyo hadal hayn ku saabsan ujeeddada iyo nidaamka cusub ee la hirgelinayo.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.