Tuesday, February 17, 2026

Somaliland oo ka Hadashay Sababta Turkiga iyo Jabuuti uga soo Horjeedaan Aqoonsigeeda

by Heemaaln
1 minutes read

Somaliland ayaa sheegtay in dowlado kooban ay si adag uga horyimaadeen aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil, iyada oo si gaar ah u xustay Soomaaliya, Turkiga iyo Jabuuti, kuwaas oo ay sheegtay in danohooda awgeed u diidan yihiin aqoonsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in dunida badankeedu aanay si toos ah uga hor iman aqoonsiga.

Waxa uu sheegay in dowladaha ka Soo horjeedsaday aqoonsigu anay dantooda ka dhex arag sida darteeda ay ku jiraan olole lagu diidandanyahay xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo si gaar ah uga hadlay dowlada Turkiga, oo dano badani ka dhexeeyaan Soomaaliya.

“Turkigu in uu arrinta dhibsado aad ayaanu ula yaabannahay, waayo waxa uu ahaa waddankii ugu horreeyay ee Islaam ah ee aqoonsada Israa’iil. Turkigu waxa uu ahaa dowlad aanu walaalo nahay, laakiin waxa ay u egtahay in uu ka eegay uun dhanka dantiisa,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu sheegay in heshiisyada ay Ankara la gashay dowladda Soomaaliya awgood uu Turkigu uga soo horjeedo aqoonsiga Somaliland, balse aanu diidnayn Israa’iil, isla markaana muddo aad u dheer uu xidhiidh diblumaasiyadeed la lahaa Israa’iil lafteeda.

Aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil ayaa diidmo ballaadhan kala kulmay Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo ururro goboleedyo kale, iyada oo qaar ka mid ah dowladaha ugu tunka weyn Bariga Dhexe sida Sucuudiga, Masar iyo Qatar ay ka hor yimaadeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda wada olole diblumaasiyadeed oo ay kaga soo horjeedo aqoonsiga, iyada oo cadaadis ku saaraysa Israa’iil in ay si buuxda uga noqoto xidhiidhka cusub ee ay la yeelatay Somaliland.