Saturday, February 14, 2026

Somaliland oo Sheegtay in Wadahadal Denbe la Gelayn Somaliya, Cadow-na u Aqoonsatay

by Heemaaln
1 minutes read

Wasiirka Duulista iyo Hawada ee Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka codsatay in ay kala hadlaan arrimaha hawada, laakiin ay diideen, isla markaana ay go’aansadeen in aan mar dambe wadahadal lala gelin dowladda Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay cadow.

Waxa uu sheegay in dowladdii hore ee xisbiga Kulmiye ay Somaliland gelisay khaladaad sharci, isla markaana caqabadda ay wajahayso ay yihiin qaar ka mid ah dhibaatooyinka laga dhaxlay wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay ahaayeen ilduuf dhacay.

“Waxa nasiib darro ah in dowladdii xilliga Somaliland ka talinaysay ay gashay wadahadal nasiib darro ah oo ay dhibaatooyin badan inaga galiyay, kaas oo ay Somaliland ku aqbashay in hawada Soomaalida lagu soo celiyo gacanta Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiir Fu’aad.

Waxa uu sheegay in muddo saddex jeer ah ay dowladda Soomaaliya ka diideen in ay wadahadal kala galaan arrinta dal-ku-galka, isaga oo sheegay in wadahadalladu ay hore u lugooyeen Somaliland, sidaa darteedna ay diideen.

“Annaga oo ku soconna siyaasadda uu madaxweynuhu nagu hoggaaminayo, waanu diidnay in aanu Soomaaliya kala hadalno hawada, arrimaha dowladnimada iyo E-visaha midna. Waxa aanu qarankani go’aansaday in dalkaasi cadow yahay, cadowguna iska dhicin mooyaane aanu lahayn sasabasho,” ayuu yidhi Wasiir Fu’aad.

Waxa uu sheegay in ay go’aansadeen in Somaliland loo raadiyo ictiraaf oo laga saaro caqabadaha haysta, isla markaana aan mar dambe wakhti lagu lumin wadahadal, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliya u socdaalaya, oo ay Somaliland ku jirto, kusoo rogtay dal-ku-gal danabaysan (E-visa), taas oo ay Somaliland ka cadhootay.