Somaliland Oo si Adag Uga Hadashay War Been abuur ah Oo Laga Baahiyay.

Hargeysa-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa beenisay degello been abuur ah oo loo sameeyay in lagu baahiyo wararka been abuur ah.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu u qornaa sidan:-

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay uga digaysaa shacabka, Hay’adaha warbaahinta iyo saaxiibbada caalamiga ah isku-dayo abaabulan oo lagu iska dhigayo si been abuur ah degellada (akoonnada) rasmiga ah ee baraha bulshada ee dawladda, isla markaana lagu faafinayo warar iyo bayaanno been-abuur ah.

Xukuumaddu waxay caddeynaysaa in dhammaan isgaadhsiinta rasmiga ahi lagu soo saaro mareegaha iyo baraha ay dawladdu si rasmi ah soo baxa ilo sharciyeysan oo la xaqiijiyay.

Shacabka iyo Warbaahinta waxa si adag loogu boorinayaa inay ku tiirsanaadaan oo keliya ilaha rasmiga ah ee la hubiyay, si loo helo xog sugan, isla markaana ay u gudbiyaan hay’adaha ku shaqada leh wixii degellada been-abuurka ay baahiyaan ee ah wararkamarin-habaabinta ah.

Somaliland waxa si buuxda uga go’an hufnaan, daacadnimo iyo baahinta warar rasmi ah oo sax ah.”

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan