Somaliland Oo War kasoo Saartay Saldhig Israel Laga Siinayo Xeebaha.

by Heemaaln
1 minutes read

Khadar Xuseen Cabdi, oo ah wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa u sheegay Bloomberg in Isr’a4l laga yaabo inay qorshaynayso dhismaha saldhig u sahlaya inay la socoto dhaqdhaqaaqyada kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaas oo gobolka uga wakiil ah dowladda Iiraan,sida lagu sheegay warbixinta.

“Waxaan leenahay xiriir istiraatiiji ah,” ayuu Khadar ka yiri xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Isra4l, isagoo xusay “weli kama aynaan doodin in tani ay noqon doonto saldhig ciidan, laakiin hubaal arrintaas waan ka wadahadli doonnaa.”

Labo sarkaal oo ka tirsan Somaliland ayaa u sheegay Bloomberg in saldhiggaas uu Isra4l u oggolaan doono inay xog-baaris (intelligence) ka urursato Xuutiyiinta, iyadoo Isra4l ay horayba u billowday “diyaarinta dhismaha” (laying the groundwork) ee saldhiggaas.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.