Somaliya Iyo Shiinaha Oo ka Wada-hadlay Taageerada Amniga Iyo Is-dhaafsiga Xogaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, iyagoo ay wehliyaan masuuliyiin kale, waxaana kulanka lagu gorfeeyay arrimo la xiriira iskaashi wadajir ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada maamulka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan arrimaha federaalka, dhismaha awoodda hay’adaha, iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta. Waxa sidoo kale la isla qaatay is-weydaarsiga khibradaha, taageerada farsamo, iyo iskaashiga horumarineed ee kor u qaadaya adeegyada dadweynaha ee dalka.

Agaasimaha Guud, Mudane Cabdulqaadir, ayaa uga mahadceliyey Safaaradda Shiinaha taageerada joogtada ah, isagoo caddeeyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta iskaashi wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo midnimada, dowlad-dhiska, iyo horumarka waara ee Soomaaliya.

Related posts

Mojtaba Khaameenei, oo loo Doortay Hoggaamiyaha Ruuxiga Ee Iran

Booliiska Gobolka Awdal Oo si Adag Uga Hadlay Hadal Maanta Ee Warbaahinta Boorama.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Oo si Adag U Dhaliilay Dalalka Khaliijka Carabta