Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya ayaa saxiixay heshiis is-faham (MoU) oo muhiim ah, kaas oo ka tarjumaya horumar la taaban karo oo ku saabsan socdaalka iyo xiriirka ganacsi ee labada dal.
Heshiiskan ayaa lagu heshiiyay in la hirgeliyo nidaamka fiiso-la’aan iyo sidoo kale fiisaha garoonka laga qaato, si loo fududeeyo socdaalka dadka safraaya labada dal. Tallaabadan ayaa sidoo kale qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu xoojinayo ganacsiga, maalgashiga, iyo dalxiiska, iyadoo la qorsheynayo in mustaqbalka dhow la billaabo duulimaadyo toos ah oo isku xira caasimadaha iyo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyo Tansaaniya.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay guul weyn oo ka dhalatay xiriirka labada qaran, isla markaana uu horseedi doono iskaashi istiraatiiji ah oo ka dhex dhaca gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay fududeynta socdaalka iyo is-dhexgalka dhaqaale.
Dhanka kale, dhinaca Tansaaniya, wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in MoU-ga uu qayb ka yahay xoojinta iskaashiga gobolka Bariga Afrika, isagoo ku tilmaamay heshiiska mid kor u qaadi doona xiriirka dhaqaale iyo dalxiis ee labada dal.
Heshiiskan ayaa sidoo kale dhaliyay rajeyn ballaaran oo ku saabsan kobcinta ganacsiga labada dhinac, iyadoo ganacsatada Soomaaliya iyo Tansaaniya ay si sahlan uga faa’iideysan doonaan fursadaha cusub ee la heli doono, gaar ahaan kuwa la xiriira dhoofinta, dalxiiska, iyo adeegyada kale ee is-dhexgalka bulshada.

