Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb-gashay shir degdeg ah oo ay si muuqaal fogaan arag ah u yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlayo xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe kadib weerarro la sheegay in Iiraan ku qaaday dalal ka tirsan Khaliijka.
Shirkan ayaa lagu falanqeynayaa xaaladda amni ee gobolka iyo sidii dalalka Carabta ay uga yeelan lahaayeen mowqif mideysan oo looga hortago sii xumaanshaha colaadda.
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay mar kale cambaareyn doonto weerarradii dhowaan dhacay, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray dalal Carbeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u muujisay garab istaag ay la leedahay dalalka ay waxyeelladu gaartay, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka.
Shirkan degdegga ah ayaa imanaya xilli xiisadda Bariga Dhexe ay sii kordheyso, taasoo ku qasbeysa dalalka Carabta inay kordhiyaan dadaallada diblomaasiyadeed si looga hortago isku dhac militari oo ballaaran loona dhiirrigeliyo wadahadal nabadeed.