Somaliya Oo ku Guuleysatay Kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.(AUPSC).

Soomaaliya ayaa guul weyn ka soo hoysay fagaaraha diblomaasiyadda Afrika, kaddib markii maanta loo doortay inay ubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) muddo xileedka u dhexeeya sannadka 2026 ilaa 2028.

Golahan (PSC) waa garabka ugu sarreeya ee Midowga Afrika u qaabilsan gaadhista go’aannada masiiriga ah, ka hortagga, maareynta, iyo xallinta khilaafaadka ka taagan qaaradda. Doorashada Soomaaliya ee xubinnimadan ayaa macno weyn u leh dalka, maadaama Golahani yahay udub-dhexaadka amniga wadajirka ah iyo digniinta hordhaca ah, isagoo fududeeya ka jawaabista degdega ah ee xaaladaha qalalaasaha iyo colaadaha ka soo cusboonaada gudaha Afrika.

Related posts

Israel oo ansixisay soo jeedin lagu diiwaangelinayo dhulalka Daanta Galbeed (West Bank) inay yihiin “hanti dowladeed”

In ka badan Kun Askri oo ICE ah Oo laga Saaray Minnesota.

Shiinaha Oo Maanta Xaqiijiyay inuu Iran ku Wareejiyay Raadaarka nooca YLC-8B.