23
Soomaliya ayaa loo doortay in ay kamid noqoto tobanka dal ee labada sanno ee soo socda ka shaqayn doona gollaha amniga ee middawga Afrika. Cod-bixin laga sameeyay kulanka AdisAbaba ka socda ayaa gollaha amniga loo doortay toban dal oo Soomaliya ku jirto.
Taarikhda waa markii koobad ee ay Soomaliya xubin ka noqot golahan. Waxaana loo arka guul ku timid gallaan-galka Diblomaasiyada ee xukuumada tallada haysa.