Somaliya oo Mareykanka ka Dalbatay dib u Cusboonaysiinta Heshiis Militari, ka Horta Dalabka Somaliland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay Mareykanka u soo bandhigtay dib-u-cusboonaysiinta heshiis hore oo u oggolaanaya isticmaalka dekedaha iyo garoomada dalka ujeeddooyin militari, iyadoo tallaabadan ay uga jawaabeyso soo jeedin la mid ah oo ka timid Somaliland.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay leeyihiin iskaashi soo jireen ah, oo uu ka mid yahay heshiis la saxiixay sanadkii 1980-kii kaasoo Mareykanka u oggolaanayay adeegsiga dekedaha iyo garoomada Soomaaliya arrimo amni iyo militari.

“Dowladda Federaalka waxay dhawaan soo jeedisay in heshiiskaas dib loo cusboonaysiiyo, waana waddada saxda ah ee sharciyeysan ee iskaashi amni lagu mari karo,” ayuu yiri wasiir Cali Balcad.

Hadalka wasiiru-dowlaha ayaa yimid maalin kadib markii mas’uul sare oo ka tirsan Somaliland uu sheegay in maamulkaasi diyaar u yahay inuu Mareykanka siiyo fursad uu ku heli karo macdanta iyo saldhigyo militari, taasoo qeyb ka ah dadaal ay ku ballaarinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Dowladda Soomaaliya waxay Somaliland u aragtaa inay tahay qeyb ka mid ah dhulkeeda, inkastoo Somaliland ay muddo dheer ku doodaysay gooni-isu-taag.

Dhinaca kale, dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Masar iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa xoojinaya xiriirka militari ee ay la leeyihiin Soomaaliya, iyagoo ka duulaya muhiimadda istiraatiijiyadeed ee dalka oo ku yaalla marin muhiim ah oo laga galo Badda Cas, kana dhow Yemen halkaas oo ay Xuutiyiintu khatar ku hayaan maraakiibta ganacsiga.

Sanadihii la soo dhaafay, Mareykanka wuxuu diiradda saarayay hawlgallo ka dhan ah argagixisada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dagaalyahannada Daacish ee ku sugan Soomaaliya.

Warbixintan oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Bloomberg ayaa muujineysa tartan diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in wixii iskaashi amni ah loo soo maro Dowladda Federaalka oo keliya.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan