Somaliya Oo Muqdisho kusoo Dhaweeyay Maraakiibta Ciidanka Badda ee Turkiga.

by Heemaal
0 minutes read

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Badda ee Turkiga.

Imaanshaha maraakiibta dagaal ayaa kusoo aadeyso xili dowlada Fedaraalka Soomaaliyeed ay muhiimad gaar ah siinayso dhismaha iyo Tayaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha XDS.

Imaanshaha markabkan ee Muqdisho wuxuu muujinayaa heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga difaac ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta iyo dhismaha awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah taageerada dib-u-dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya, waxaana booqashada markabkan loo arkaa tallaabo kale oo muujinaysa joogteynta taageeradaas.



Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.