Maxkamad ku taalla magaalada Dublin, caasimadda Ireland, ayaa 4 sano iyo bar xabsi ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdiladiif Maxamed.
Waxaa lagu helay inuu si sharci-darro ah dalkaas ku geliyay laba haween oo Soomaali ah, isagoo adeegsanaya baasaboorro diblomaasiyadeed oo aysan lahayn.
Maxkamaddu waxay xaqiijisay in haweenku aysan u shaqayn dowladda Soomaaliya, isla markaana ninka uu ka faa’iideystay kalsoonida gaarka ah ee la siiyo dukumeentiyada diblomaasiga ah.
Labada haween ah ayaa qirtay in ninku ahaa qofkii soo geliyay Ireland, ayna bixiyeen $14,000 iyo $15,000.
Sidoo kale, booliisku waxay ninka ka heleen ku dhowaad $14,000 oo kaash ah xilligii la xirayay.
Maxkamaddu waxay sheegtay in ku takri-falka baasaboorrada diblomaasiyadeed uu yahay dambi culus oo wax u dhimaya nidaamka socdaalka, amniga qaranka iyo kalsoonida caalamiga ah.
Ninka oo la sheegay in uu ka shaqaynaayay safaaradaha Soomaaliya dalalka Khaliijka ayay ugu dambeyn, maxkamaddu ku xukuntay 4 sano iyo bar xabsi, iyadoo sheegtay in ciqaabtu tahay fariin adag oo ka dhan ah tahriibinta dadka iyo ku xadgudubka shuruucda socdaalka.

