Spain:-“Hogaamiyaha Jarmalka Waxuu u Dhaqmay sidii Nin Addeege u ah Trump.”

by Heemaaln
1 minutes read

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Spain, Yolanda Díaz ayaa si adag u weerartay Hogaamiyaha Jarmalka, iyadoo ku tilmaantay inuu u dhaqmay sidii nin addeege u ah Donald Trump.

Yolanda Díaz waxay ku eedeysay hoggaamiyaha Jarmalka inuusan difaacin Spain, isla markaana uu iska aamusay markii Trump uu gudaha Aqalka Cad ku weeraray Spain oo ah dal saaxiib la ah Jarmalka kana tirsan Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Spain waxay sheegtay in Yurub ay maanta u baahan tahay Hogaan balse ay u baahneyn adeegayaal ku dayda Trump.

Trump ayaa si adag u weeraray Spain kadib markii ay diiday iney Mareykanka ka caawiso dagaalka Iiraan, kana hor timid duulaanka ay Mareykanka iyo ISR ku qaadeen Dalkaasi,

Trump oo arintaa si wayn uga xanaaqay ayaa Spain ku tilmaamay iney tahay xulafo xun.

Hogaamiyaha Jarmalka ayaa goor dambe isku dayay inuu waco Ra’iisal Wasaaraha Spain balse wadahadalkaasi wuxuu noqday aan guuleysan.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.