Dawladda Spain ayaa qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, kadib markii ay go’aansatay in ay hoos u dhigto heerka xiriirka ay la leedahay Israel, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Go’aankan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan arrimaha la xiriira xaaladda Bariga Dhexe.
Sida ay wararku sheegayaan, dowladda Spain ayaa u yeertay safiirkeedii ka joogay magaalada Tel Aviv, iyadoo amar ku siisay inuu dib ugu laabto caasimadda Madrid.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa caro diblomaasiyadeed iyo cadaadis siyaasadeed oo ay Madrid ku doonayso inay ku muujiso sida ay uga xun tahay siyaasadaha iyo tallaabooyinka ay Israa’iil qaadday.
Hoos u dhigista xiriirka diblomaasiyadeed ayaa inta badan ka dhigan in xiriirka labada dal uu sii ahaanayomid jira, balse uu noqdo mid heer hoose ah, iyadoo safiirrada la soo celiyo ama wakiillo hoose oo diblomaasiyadeed lagu beddelo. Arrintan ayaa sidoo kale saamayn karta wada shaqeynta dhinacyada siyaasadda, ganacsiga iyo amniga ee u dhexeeya labada dowladood.
Dowladda Spain weli si faahfaahsan ugama hadlin tallaabooyinka kale ee ay qaadi karto mustaqbalka, balse falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in go’aankan uu ka mid noqon karo cadaadiska sii kordhaya ee ay qaar ka mid ah dowladaha Yurub ku saarayaan Israa’iil, iyagoo ku baaqaya in la dejiyo xiisadaha ka taagan gobolka iyo in xal siyaasadeed loo helo colaadaha socda.