Sucuudiga oo Masiibo ku Tilmaamay Carqaladaynta Marinka Hormuz.

by Heemaaln
1 minutes read

Agaasimaha guud ee shirkadda shidaalka ee dawladda Sacuudiga Saudi Aramco, Amin H. Nasser, ayaa ka digay in wax kasta oo carqalad ku keena maraakiibta iyo sahayda shidaalka ee marinka Strait of Hormuz ay keeni karaan saameyn “musiibo ah” oo ku dhacda suuqyada shidaalka caalamka haddii ay sii socoto.

Al-Nasser ayaa hadalkan sheegay kadib markii Saudi Aramco ay Salaasadii ku dhawaaqday natiijooyinkeeda maaliyadeed ee sannadkii 2025. Wuxuu xusay in xiisadaha amni ee ka jira gobolka ay halis gelin karaan mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka ee dunida, taas oo si toos ah u saameyn karta sahayda tamarta caalamka.

Marinka Strait of Hormuz ayaa ah waddo badeed aad muhiim u ah oo maraakiibta shidaalka ee ka imanaya dalalka Gacanka ay u adeegsadaan inay shidaalka gaarsiiyaan suuqyada caalamka. Sidaas darteed, wax kasta oo hakad geliya marinkan waxay si degdeg ah u saameyn karaan qiimaha shidaalka iyo xasilloonida suuqyada tamarta ee dunida.

Al-Nasser ayaa sidoo kale sheegay in qalalaasaha hadda jira uu yahay mid aad u halis badan, isagoo ku tilmaamay “kan ugu weyn uguna khatarta badan ee abid soo mara warshadaha saliidda iyo gaaska ee gobolka.” Wuxuu intaas ku daray in haddii xiisaddu sii socoto ay suurtagal tahay in ay si weyn u saameyso ganacsiga shidaalka iyo dhaqaalaha caalamka.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.