Monday, March 9, 2026

Switzerland: “Weerarka Mareykanka & Israel ee Iran Waa Xadgudub Cad”

by Heemaaln
1 minutes read

Dowladda Switzerland ayaa sheegtay in weerarrada ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iran ay jebinayaan sharciga caalamiga ah, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Switzerland.

Wasiirka gaashaandhigga ee Switzerland, Martin Pfister, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in duqeymaha cirka ee ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran ay ka hor imaanayaan qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan xeerarka ku jira Axdiga Qaramada Midoobay ee mamnuucaya adeegsiga awood militari iyada oo aan oggolaansho laga haysan Qaramada Midoobay ama aan loo isticmaalin is-difaac.

Pfister ayaa sheegay in golaha dowladda Switzerland uu aaminsan yahay in weerarka lagu qaaday Iran uu yahay “xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka ay joojiyaan colaadda si loo ilaaliyo shacabka rayidka ah.

Wuxuu sidoo kale xusay in xaaladda dagaalka ee ka taagan Bariga Dhexe ay khatar ku tahay xasilloonida caalamka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo xeerarka caalamiga ah si looga hortago ballaarinta dagaalka. Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa iyaguna muujiyay walaac la mid ah, iyagoo su’aal geliyay sharciyadda weerarrada militari ee lagu qaaday Iran.

Hadalka dowladda Switzerland ayaa imanaya xilli xiisadda u dhexeysa Iran, Mareykanka iyo Israa’iil ay sii kordheyso, iyadoo weerarro gantaallo iyo duqeymo cirka ah ay ka socdaan qaybo kala duwan oo ka mid ah gobolka Bariga Dhexe.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.