Saddex askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay dagaal, sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Mareykanka (Centcom). Iyagu waa dhimashadii ugu horreysay ee Mareykan ah tan iyo markii Mareykanku bilaabay weerarrada ka dhanka ah Iiraan maalintii Sabtida.
Shan kale ayaa “si daran loo dhaawacay,” sida uu sheegay militariga Mareykanka. Magacyada saddexda askari ee dhintay lama shaacin doono ilaa 24 saacadood kadib marka qoysaskooda la wargeliyo, ayuu Centcom ku daray.
Markii uu ku dhawaaqayay howlgalka Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan, Madaxweyne Trump ayaa ka digay in “nolosha geesiyaasha Mareykanka ay lumin karaan, isla markaana ay jiri karaan khasaare. Taasi badanaa way ka dhacdaa dagaalka.”