Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, oo ay weheliyaan Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka, oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku marayey Gobollada Awdal iyo Salal, ayaa Kormeeray fadhiisamada Ciidanka Qaranka ee Gobolka Selel, islamarkaana kulan la yeeshay Odayaasha, Cuqaasha Deegaanka Xariirad iyo Habaas, ee shalay dagaalku ku dhexmaray beelo halkaasi wada dega.
Sidoo kale Taliye Nimcaan iyo odaaasha dhaqanka ee deegaanadaasi ayaa isla qaatay in ammaanka Gobolka Salal Ciidanka Qaranka lagu taageero iyo in aan la ogolaan doonin cid aan Ciidanka Qaranka ahayn oo hub qaadata.









