Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ballan-qaaday in Argagixisada laga Sifeynayo Deegaannada ay ku Sugan Yihiin

Sabiid iyo Caanoole, Shabellaha Hoose — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isla markaana laga saari doono dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin inay naftooda iyo dhiiggooda u huraan difaaca shacabka Soomaaliyeed, si looga dulqaado kooxda Al-Shabaab ee weli ku sugan qaybo ka mid ah dalka.

“Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo uu joogo, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay inuu naftiisa iyo dhiiggiisa u huro, sidii shalay nimankii Khawaarijta ahaa ee meeshan godadka ka qotay looga saaray, deegaan kastoo ummad Soomaaliyeed ku dhibaateysan inuu dhiiggiisa iyo naftiisa u huro, sidii dadkaasi looga dulqaadi lahaa,” ayuu yiri Taliyuhu.

Tusaale loo Soo Qaatay Sabiid iyo Caanoole

General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa tilmaamay in guushii laga gaaray deegaanka Sabiid iyo Caanoole ay tusaale u tahay sida ay ciidamadu u xorayn doonaan deegaannada kale ee ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin. Wuxuu sheegay in howlgaladaasi ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa.

Hadalka Taliyaha ayaa Talaadadii laga jeediyay deegaanka Sabiid iyo Caanoole oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib-u-dejin ugu sameysay qaybtii koowaad ee dadka deegaanka, kuwaas oo guryahooda ay burburiyeen Al-Shabaab bishii June ee sanadkii hore.

Dhaqdhaqaaqyo Militari oo Socda

Hadalkan ayaa imanaya xilli Ciidanka Xoogga Dalka ay dhaqdhaqaaqyo militari ka wadaan gobollo kala duwan oo dalka ah. Wararka ayaa sheegaya in cadaadiska ugu weyn ee haatan la saarayo Al-Shabaab uu ka socdo qaybo ka mid ah dowlad-goboleedka Hirshabelle, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo isdaba-joog ah.

Saraakiisha amniga ayaa aaminsan in xoojinta howlgalada iyo dib-u-dejinta dadka barakacay ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu sugayo amniga, laguna soo celinayo nolosha caadiga ah ee deegaannada laga saaray kooxda.

Related posts

Is-afgarad Hordhac ah oo laga Gaaray Qabsoomidda Shirka Wada-tashiga Dowladda iyo Mucaaradka

Cunto ma jiro, shidaal ma jiro, dalxiisayaal ma jiraan: Cadaadiskii Mareykanka awgiis, nolosha Cuba way istaagtay

Ninkii Ku Guulaysatay Abaalmarinta Saysinka Nobel Oo Sawiradiisii Laga Helay Faylasha Epstein